Wajigii hore ee mashruucii dhismaha masaajidka Abuu Bakar Sidiiq oo la soo gabagabeeyey .

Published on December 24, 2016 by   ·   No Comments

15621985_1281073118616270_6450956526247639850_nWajigii hore ee mashruucii dhismaha masaajidka Abuu Bakar Sidiiq ayaa la soo gabagabeeyey .

Mashruucan oo lagu balaarinayo masaajidka Abuu Bakar Sidiiq ee xaafadda Islii, loona yaqaano 6 ka ayaa muddo dheer la sugayey daah furkiisa, waxaana lagu rajo weyn yahay in dhaqaale ku filan masaajidka loo uruuriyo.

Dhismaha masaajidka ayaa waxaa la doonayaa in laga dhigo ilaa 7 dabakh, kuwaasoo isugu jira dabaqyo salaadaha lagu tukan doono rag iyo dumar, goobo wax barasho iyo meherado.

Masaajidka Abuu Bakar Sidiiq ayaa ah masaajid aad u jamaaco badan, iyadoo dad kala duwan oo daafaha caalamka soo maray ay sheegeen inuu yar yahay masaajid sidiisa u jamaaco badan oo mar marka qaarkood salaadaha oo dhan uu buuxsamo.

Dadka ayan u suuragalin iney masaajidka iyo xafiiskiisa toos u yimaadaan oo lacagta ay ugu tala galeen ku bixiyaan, waxay adeegsan karaan hababkan oo ay lacagta ku soo bixin karaan:-

1-Firsta Community Bank. Magaca Account number ka waa: ABUU BAKAR ISLAMIC CENTRE TRUST. NUMBERKA 0810001902.

2-GLUF AFRICAN BANK, EASTLEIGH NAIROBI-KENYA. Magaca Account number ka waa: ABUU BAKAR ISLAMIC CENTRE TRUST. NUMBERKA 0810001902.

3-SAFARICOM LIPA NA M-PESA.

Wixii kale oo faah faahin ah waxaad kala xiriiri kartaa xafiiska masaajidka.

Ixsaanmedia.com

WARKA

15895328_1158489447611677_1249270312192163818_n

Hay’adda Ixsaan oo magaalada Nairobi ka bilowday nadwo.

January 10, 2017
Hay'adda Ixsaan ee dacwada iyo horumarinta ayaa magaalada Nairobi ka bilowday nadwo. Nadwadan ayaa waxaa looga hadlayaa sidii bulshada ...
dr-adan-300x1691

Kitaabka aadaabta shiikha iyo adradiisa. Dr. Aadan Sh. Cali [Daawo]

January 10, 2017
Dr. Aadan Sh. Cali Saalax ayaa masaajidka abuu bakar sidiiq ee Nairobi ka bilaabay kitaabka aadaabta shiikha iyo ...
13731601_10209073039915712_8239530953962025424_n-300x2031-300x203-300x2031-300x2031-300x2031-300x203-300x2031

Barnaamijkii: Weydiiya culimada waxa aydaan garaneyn. qeybtii 30-aad. Sh. Umal [Daawo]

January 7, 2017
Sh. Maxamed Cabdi Umal ayaa toddobaadkii 30aad waxa uu masaajidka abuu bakar sidiiq ee xaafadda Islii, Nairobi ka ...
maxresdefault-300x169

Khubadii jimcaha ee masaajidka Abuu bakar oo ku saabsaneyd sababaha cimrigu u barakoobo. [Daawo]

January 7, 2017
Sh. Maxamed Cabdi Umal ayaa khudbadii jimcaha uga hadlay sababa keena in qofka cimrigiisu uu barakoobo. Khidbada sheekha oo ...
maxresdefault

Farqiga u dhexeeya barkada iyo badnaanta. Sh. Umal {Daawo}

December 31, 2016
Sh. Maxamed Cabdi Umal ayaa khudbadii jimcaha ee masaajidka Abuu bakar uga hadlay farqiga u dhexeeya barakada iyo ...