Isu-ekaanshaha taageerayaasha kooxda Arsenal iyo kuwa ururka Al-Shabaab/ [Qeybtii 3aad]

Published on August 20, 2015 by   ·   No Comments

maqaal1Sheekooyin gaa-gaaban.

Taageere Arsenal

Maalin maalmaha ka mid ah sanadkii 2013 aniga iyo nin aan saaxiib nahay, kana mid ah taageerayaasha waaweyn ee kooxda Arsenal ayaa waxaa noo yimid wiil kale oo ay markaas iigu horreysay, balse ay saaxibkey is-yaqaaneen, isku kooxna taagerayeen. Xoogaa ayey ka sheekeysteen sida aan loogu dul-qaadan karin in kooxdu ay hoos ugu dhacday. Waxay eedda hoos u-dhaca dusha u saareen tababaraha kooxda Arsenal. Marka ay halkaas mareyso ayaa wiilkii noo yimid waxa uu yiri ” Aniga waxaan mar mar ku fakaraa in lacag aan iska qaadno, ka dibna aan dirno qof taageerayaasheena ka mid ah, ka dibna uu London tago si uu iskugu qarxiyo macalin Arsène Wenger, si uu noo dhaafo” Waa hadalkiisii oo aanan waxba ka tagin.

Taageere Al-Shabaab.

Mid ka mid ah saaxibadey ayaa ii sheegay in maalin uu goob-joog u ahaa, in mid ka mid ah taageerayaasha Al-Shabaab uu yiri ” Maktabad heblaayo maalin walba waxaa lagu caayaa mujaahidiinta, waxaa fiicnaan lahayd in wiil loo diro ha isku qarxiyee si looga nasto” Tan aniga uma soo joogin laakiin nin aan saaxiib nahay ayaa ii sheegay.

Labadan sheeko ee gaa-gaaban ayaa waxaa ka dhexeeya isu ekaansho xagga qar iska tuurnimada iyo dul qaad la’aanta ah, labaduba waxay doonayaan in meesha laga saaro cid walba oo qodax ku ah horumarka iyo guusha labada kooxood.

QODOBBO MUHIIM AH:

1-Isu ekaanshaha aan ka hadlay waa qaar ka mid ah hab-dhaqanka labada taageere.
2-Dhaqanka aan sheegay macnuhu maaha in qof walba oo labada koox taageera inuu leeyahay.
3-Labada taageere meel walba ayey isaga eg yihiin macnuhu ma aha.
4-Labada kooxood dadka taageera waxaa ku badan da’ yarta.
5-Labada taageere kaliya malaha dhaqankan ee waa lala wadaa.
6-Wax badan oo isu eg waa laga soo qaadan karaa laba ka mid ah oo isu sii eg.
7-Uma jeedo in ay isu eg yihiin Al-Shabaab iyo Arsenal ee labadooda taageero ayaa meelo isaga eg.
8-Meelaha qaar aan la jecleyn in la sheego magaca Al-Shabaab, waxaa loo adeegsadaa Arsenal.

Ugu dambeyntii: Waan filayaa in labada qolo ee aan ka hadley mid walba gaarkeed u dhibsan doonto sida aan isugu ekeysiiyey dhaqannadooda qaar, mid walbana igu karaahsan doonto, balse anigu xumaan iyo wanaag midna kama hadline meelo leysaga eg yahay ayaan diiradda saaray.

W/Q: Maxamed Nuur Shire
mnuur10@gmail.com

WARKA

Barnaamijkii: Weydiiya culimada waxa aydaan garaneyn. Qeybtii 38-aad. Sh. Umal [Daawo]

March 20, 2017
Sh. Maxamed Cabdi Umal ayaa toddobaadkii 38aad waxa uu masaajidka abuu bakar sidiiq ee xaafadda Islii, Nairobi ka ...

Dowro ku saabsan Guryaha wanaagsan (daawo)

March 20, 2017
Waa dowro ay idin soo diyaarisay Mu,asasada Al-ixsaan kuna saabsan hagaajinta gurisa wanaagsan, waxaana dowradana ka qayb galay ...

Culimada Soomaaliyeed ee dalka Kenya oo baaq ka diray abaaraha ka jira dhulka Soomaalidu degto.

March 7, 2017
Culimada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ayaa baaq ka diray abaaraha ka jira dhulka Soomaalidu degto. Culimada Soomaaliyeed ee dalka ...

Barnaamijkii: Weydiiya culimada waxa aydaan garaneyn. qeybtii 37-aad. Sh. Umal [Daawo]

March 4, 2017
Sh. Maxamed Cabdi Umal ayaa toddobaadkii 37aad waxa uu masaajidka abuu bakar sidiiq ee xaafadda Islii, Nairobi ka ...

Khatarta ay leedahay been abuuradka. Sh. Umal. [Daawo]

March 4, 2017
Khudbadii jimcaha ee masaajidka abuu bakar sidiiq ee magaalada Nairobi ayaa Sh. Maxamed Cabdi Umal waxa uu uga ...