Isu-ekaanshaha taageerayaasha kooxda Arsenal iyo kuwa ururka Al-Shabaab. {Qeybta 2aad}

Published on August 14, 2015 by   ·   No Comments

maqaal12-GAR-QAADASHO LA’AAN.

Labada taageere ee kooxaha Al-Shabaab iyo Arsenal ayaa waxay isaga mid yihiin sida ayan u gar-qaadan marka doodda laga hayo.

Taageerayaasha Al-Shabaab.

Marka la hor-dhigo in sida kooxda Al-Shabaab wax ku waddo ayan ahayn si ay ku guuleysaneyso, isla markaasna kooxdu ay aad dib ugu dhacday, waxay ku doodaan in kooxdu ay guuleysan doonto oo adduunka ay qabsan doonto, balse loo baahan yahay dul-qaad.

Marka leysku soo xooriyo qodobkan waa in ururku uusan waxba ku khaldaneyn, gartana isagu leeyahay, waa sida ay ku doodaan ama ha aaminsanaadeen ama dadka kale ha isaga jeedinayeenne.

Taageerayaasha Arsenal.

Marka la gula doodo in kooxdu ayan guulo gaarin, horyaal ay qaadaanna ay ugu dambeysay sanadkii 2004kii, waxay ku doodaan in guushu ay imaaneyso goor dhow, loona baahan yahay in kooxdu sidan ay u cayaareyso ay u sii cayaarto, taageerayaashana looga baahan yahay iney u dul-qaataan, xataa heerka labaad [Division two} ee kooxaha haddii kooxdu ku biirto.

Waa isku jawaab labada taageere marka ay qodobkan joogto.

3-IS-QANCIN.

Taageerayaasha Al-Shabaab.
Marka ay kaligood yihiin waxay isu akhriyaan sida ay la tahay guulaha kooxda ay caashaqsan yihiin ay gaartay, iyagoo mar marna isu dusiya dhaliilaha kooxda loo jeediyo, balse waxay u raadiyaan cudur-daar, dadka dhexdooda ah ee ku sii dhiirradana lama jecla.

Taageerayaasha Arsenal.

Marka ay sheekeysanayaan ayaa waxay isku qanciyaan, kubadda quruxda badan ee ay cayaarto kooxda ay la dhacsan yihiin, waa sida ay aaminsan yihiine, waxaana aan la soo dhaweynin qofka sheega dhaliilaha kooxda, isaga ayaanna doodaha ugu adag lala galaa.

Qodobkan is-qancinta ayaa labada qoloba ka mideysan yihiin, waxaana intaas u dheer kuwa xataa dhalliilaha ka sheega taageerayaasha labada kooxood dhexdooda, in marka ay dad iyaga ka baxsan ay arkaan ay ka qariyaan dhaliilaha, ayanna qirin wixii dhexdooda ay qirayeen.

Waa socotaa………

W/Q: Maxamed Nuur Shire
mnuur10@gmail.com

WARKA

15895328_1158489447611677_1249270312192163818_n

Hay’adda Ixsaan oo magaalada Nairobi ka bilowday nadwo.

January 10, 2017
Hay'adda Ixsaan ee dacwada iyo horumarinta ayaa magaalada Nairobi ka bilowday nadwo. Nadwadan ayaa waxaa looga hadlayaa sidii bulshada ...
dr-adan-300x1691

Kitaabka aadaabta shiikha iyo adradiisa. Dr. Aadan Sh. Cali [Daawo]

January 10, 2017
Dr. Aadan Sh. Cali Saalax ayaa masaajidka abuu bakar sidiiq ee Nairobi ka bilaabay kitaabka aadaabta shiikha iyo ...
13731601_10209073039915712_8239530953962025424_n-300x2031-300x203-300x2031-300x2031-300x2031-300x203-300x2031

Barnaamijkii: Weydiiya culimada waxa aydaan garaneyn. qeybtii 30-aad. Sh. Umal [Daawo]

January 7, 2017
Sh. Maxamed Cabdi Umal ayaa toddobaadkii 30aad waxa uu masaajidka abuu bakar sidiiq ee xaafadda Islii, Nairobi ka ...
maxresdefault-300x169

Khubadii jimcaha ee masaajidka Abuu bakar oo ku saabsaneyd sababaha cimrigu u barakoobo. [Daawo]

January 7, 2017
Sh. Maxamed Cabdi Umal ayaa khudbadii jimcaha uga hadlay sababa keena in qofka cimrigiisu uu barakoobo. Khidbada sheekha oo ...
maxresdefault

Farqiga u dhexeeya barkada iyo badnaanta. Sh. Umal {Daawo}

December 31, 2016
Sh. Maxamed Cabdi Umal ayaa khudbadii jimcaha ee masaajidka Abuu bakar uga hadlay farqiga u dhexeeya barakada iyo ...