Isu-ekaanshaha taageerayaasha kooxda Arsenal iyo kuwa ururka Al-Shabaab! [1]

Published on August 11, 2015 by   ·   No Comments

indexHorudhac

Haba kala duwanaato siyaabaha wax loo taageero, haddana cid walba oo meel ka muuqata waxay soo jiidataa qalbiyada dad kale oo caashaqa habka ay wax u waddo.Cidda la taageerayo waxay noqon kartaa: Dowlado, kooxo, qof qof IWM.

Kooxda kubadda cagta ee Arsenal ee ka dhisan dalka Britain waxay ka mid tahay kooxaha ugu taageerada badan kuwa cayaara kubadda cagta, waxaanna dadka caashaqsan ay ugu badan yihiin qaaradda Afrika.

Hal-ku dhegga taageerayaasha Arsenal.

Kubad quruxsanaan.

Taageerayaasha Arsenal ayaa ku dooda iney kooxda ku raaceen kubadda ay cayaarto oo ah mid xirfadeedu sarreyso, sida ay aaminsan yihiin.
Ururka Al-Shabaab ee ka dagaallama dalka Soomaaliya, ayaa dhiniciisa waxa uu soo jiitay qalbiyada dad la dhacay habka ururku wax ku wado iyo hadafka uu sheegto inuu tiig-sanayo.

Hal-ku dhegga taageerayaasha Al-Shabaab.

U-dagaalanka jidka Illaahay iyo hir-gelinta shareecada Islaamka.

Hal-ku dhegyada labada taageere waa tiirka koowaad ee ay ku taagan tahay la dhacsanaantooda labada kooxood, waana difaacooda koowaad ee ay ku mintidaan.

Haddaba maxay wadaagaan labada taageero ee Al-Shabaab iyo Arsenal?

1-Jacayl siyaada ah.

Dabcan jacaylku waa dareen qalbiga ka yimaada, kaasoo sababaya taageerada muuqata ee qofi u hayo cidda uu la dhacsan yahay, balse Arsenal iyo Al-Shabaab ayaa inta taageersan jacaylkoodu uu ka badan yahay jacayllada kooxaha kale loo hayo.

Tusaale:

Taageerada kooxda Arsenal ay u hayaan taageerayaasheeda way ka badan tahay jacaylka kooxaha kale ee kubadda cayaara ay u hayaan taageerayaashoodu, haddii tusaalayaal la raadiyana kuwa badan ayaa la keeni karaa.

Dadka isu dilay jacaylka kooxda Arsenal ee guul-darro soo wajahday xamili kari waayay, way ka badan yihiin kuwa sidaas u sameeyey kooxaha kale.

Qodobkii jacaylka ayaan ku jirnaaye, taageerayaasha ururka Al-Shabaab way ka jacayl badan yihiin sida loo taageero ururrada kale, qofka ururkaas taageersanna jacaylka uu u hayo dartiis wax walba waa siisan karaa, xataa waalidkiis ayuu ku jari karaa.

Taageere Arsenal

” Hooyadey iyo aabbehey waad caayi kartaa laakiin Henry ma caayi kartid” Waa hadal uu ku hadaaqay mid ka mid ah taageerayaasha kooxda Arsenal, Henry waa cayaar yahan u cayaari jiray kooxda oo ugu xariifsanaa xilligiisii.

Taageere Al-Shabaab

” Al-Shabaab haddii ay dilaan hooyadey iyo aabbehey, ma nacayo, waayo waxaan ku raacay diin illaahay iyo mabda’.

Waxa ka dhexeeya labada taageere ayaa ah, jacaylka ay u hayaan labadooda kooxood, waana midka gaarsiiyey heer damqashada ay kooxahooda u damqanayaan ay ka badan tahay tan waalidkood.

Waa socotaa…..

W/Q: Maxamed Nuur Shire
mnuur10@gmail.com

WARKA

MUXAADARO CUSUB | SIDEE NAFTAADA KU DHISI KARTAA | SH MAXAMED CABDI UMAL

May 6, 2017
MUXAADARO CUSUB | SIDEE NAFTAADA KU DHISI KARTAA | SH MAXAMED CABDI UMAL   https://www.youtube.com/watch?v=9_E95MPkdXI

MUXAADARO CUSUB | IN LA QABSADO KITAABKA IYO SUNADA SH CABDIRAXMAAN CADAANI

May 6, 2017
IN LA QABSADO KITAABKA IYO SUNADA SH CABDIRAXMAAN CADAANI   https://www.youtube.com/watch?v=Q20CGiBsrBs

SOO DHAWAYNTA BISHA RAMADAAN | SH MAXAMED CABDI UMAL ( KHUDBA ) 5/5/2017

May 6, 2017
SOO DHAWAYNTA BISHA RAMADAAN | SH MAXAMED CABDI UMAL ( KHUDBA ) 5/5/2017   https://youtu.be/EQtTZFYH7HE

MUXAADARO CUSUB | MIRAHA IIMAANKA | SH CABDULKHADIR BOOBE

April 29, 2017
MUXAADARO CUSUB | MIRAHA IIMAANKA | SH CABDULKHADIR BOOBE   https://youtu.be/SFec6lM4_wM

Muxaadaro Cusub | TOOSNAANTA الإستقامة | IMAM MOHAMUD MARKONI

April 29, 2017
Muxaadaro Cusub | TOOSNAANTA الإستقامة | IMAM MOHAMUD MARKONI   https://youtu.be/ZR6yOjZajlA