Culimadeenaay Waad na Caawiseene Camalka sii wada. (qeybta 3-aad

Published on July 28, 2015 by   ·   No Comments

maqaal1Culimadeenaay Waad na Caawiseene Camalka sii wada: waa qormo qaadaa dhigeysa heerka ay gaarsiisan tahay Dacwada Culimada Soomaaliyeed ugu yeerayeen dadkooda.

Mahad oo dhan ilaahay ayey u sugnaatay, nabad galyo iyo naxariisna ha ahaato nabigeena dushiisa (SCW).

Qeybihii hore ee labada ahaa waxaan ku soo qaadaa dhignay isbeddeladii ay Culimadeena ku soo kordhiyeen bulshadooda, intii ay ku guda jireen howsha dacwadeed ee miriheeda ay bislaadeen. qeybtaan oo noqon doonta tii ugu dambeysayna waxaan ku soo qaadan doonaa dhowr qodob oo kale.

4- Aqoon la’aanta diinta oo aheyd wax aan leys-kula yaabin.

Marka laga hadlayo aqoonta Diinta Islaamka, isla markaasna dib loo jaleeco 30 sano ka hor ugu yaraan: waxaa soo baxaya in heer fiican Culimadu ay dadka soo gaarsiiyeen, waxaana da’yar badan, odayaal, dumar badan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ay kororsadeen aqoon diineed, heer kasta ha joogtee, waxaana inta xitaa aan haatan ku howlaneyn barashada diinta ay mar uun doonayaan inay wax badan ka ogaadaan diintooda, iyadoo Culimada Soomaaliyeed har iyo habeen, dal iyo dibadba ay la taagan yihiin Muxaadarooyin iyo kutub ay dadka uga raaridayaan faa’iidada ay leedahay barshada aqoonta Islaamka.

Culimada Soomaaliyeed kama ayan harin dadkii dibadaha uga cararay dalka, markii ay ka qarxeen dagaalada sokeeye, waxaana meel walba oo caalamka ka mid ah gaaray culimo kala duwan oo dadka la daba taagan inay ku dhegenaadaan diintooda, iyagoo xitaa hor-muud u noqday bulshooyin kale oo Muslim ah oo caalamka ku kala firiqsanaa.

Waa Culimada Soomaaliyeed kuwa isku xira bulshadeena qurbaha ku dhaqan, waxaana  meelaha ay nolosha u doonteen dadku looga sameeyey Madaaris iyo Masaajiddo ay diintooda ku bartaan, dhaqankooda suubanna ku ilaashadaan, dhaqaalaha ku baxaya hirgelinta howlahaas baaxada lehna meel kale kama ayan imaanin ee waxaa bixiyey bulshada oo kalsooni buuxda ku qabta Culimadooda. Culimadeenaay Waad na Caawiseena Camalka sii wada..

5- Cibaadada oo horey aad ugu yareyd bulshada.

Bulshada Soomaaliyeed oo ah Muslim Suni ah, ayaa marka laga hadlayo cibaadada waxa ay aheyd mid aad u yar xilliyadii hore, waxaana dadka waaya-araga ah ay isla qirsan yihiin in mudo gaaban ka hor dadka Masaajida gala ay u badnaayeen Odayaal, iyadoo dhalinyarada ay ku mashquulsanaayeen waxyaabo kale oo aan qaarkood ka soo warranay.

Waa Culimadeena kuwa bulshadooda baray in Cibaada Illaahay yar iyo weyn laga doonayo, isla markaasna dadka u sheegay in Illaahay ku adoonsaday inay isaga kaligiis Caabudaan, waxaana mudo dheer ka dib haatan buuxa Masaajiddo badan, iyadoo magaalooyinka iyo tuulooyinka yaryar ay ku soo badanayaan Masaajidda oo ah halka ugu haboon oo Illaahay lagu caabudo.

Bulshada Soomaaliyeed xilligan la joogo waxaa ku dhexfaafay Cibaadooyin badan oo horey ay dad yar uga warqabeen, waxaana ka mid ah Soonka Sunada ah, iyadoo maalmaha Carrafo iyo 10-ka bisha Muxarram ay ka mid noqdeen maalmaha lagu xisaabtamo Soonkooda, waxaana marka xilliyadaas la gaaro dadka Masaajidda looga sheegaa inay ka faa’iideystaan fursadaha qaaliga ah ee maalmahan xambaarsan yihiin.

Illaahay ayaa ku mahadsan in bulshadeena in badan oo ka mid ah ay fahantay xaqa Illaahay ku leeyahay, waxaana sabab u ahaa in dadku heerkaas soo gaaro Culimada oo runtii fursadahooda si wanaagsan uga faa’iideystay, iyadoo weli ayan fari ka qodneyn howsha u taala Culimada, iyadoo bulshadu ay maanta kalsooni fiican ku qabto dadkii Illaahay sababtooda wax badan ku fahansiiyey.Culimadeenaay Waad na Caawiseena Camalka sii wada..

6- Siyaasada iyo dowladnimada heerkii hore.

Bulshada Soomaaliyeed oo ah bulsho Muslim ah ayaa waagii hore dowladnimada u ‘arkay mid ayan shaqo ku laheyn Diinta iyo Culimada. marka ay sidaasi ku sugnaayeena aqoontooda ayaa heerkaas gaarsiisneyd ee cadaawad ay diinta u qabeen majirin, waxaana Culimadeena ay dadaal dheer u galeen sidii ay bulshada ugu iftiimin lahaayeen in Diinta Islaamka ay tahay Diin dhameystiran oo nolosha oo dhan taabaneysa. Fadlan inyar aan isdul taagno khibrad aan ka dhaxlay Akhiyaar ka mid ah odayaasheena sharafta leh. iga guddoon.

Sheeko gaaban.

Habeen habeenada ka mid ah ayaa waxaan soo fariistay meel Makhaayad ah oo Shaaha laga cabo, laguna sheekeysto, maadaama bulshadeena ay hadda isku xaalad ku wada noolyihiin: waxaa iska sahal ah in aqoonyahan, siyaasi hore, sarkaal darajo sare lahaa, iyo dhalinyaro aan aqoon u laheyn dadkaas ay meel qura isugu yimaadaan, la yaabna malaha in dhalinyaradu ay dadkaas ayan garaneyn ay sheekooyin badan uga sheekeeyaan, kuwaasoo marmarna lagu qabsado marar kalena laga aamuso inta indhaha laga eego. iyadoo wiil dhalinyaro ah oo ka sheekeynayo siyaasada nin walba dalowgiisa darsado ee Soomaaliya: ayaa waxaa kursi igu xigay soo fariistay oday aanan markaas garaneynin. intuu salaamay dhalinyaradii goobta fadhiday ayuu Shaah u yeertay, waana uu dhageystay sheekooyinkii meesha ka socday. Wax qof walba markiisa iska hadlo, ayaa Odaygii waxa uu dhalinyarada si xushmad leh uga codsaday inay u ogolaadaan inuu wax yar u sheego. Waa la aqbalay, dhagaha ayaana loo raariciyey si loo dhuuxo hadalkiisa.

“Adeerrayaal waxaad u badan tihiin dhalinyaro indhaha kala qaaday wixii ka dambeeyey burburkii dalka. Illaahay ayaa wax badan naga badbaadiyey, ee waa ay muuqatay in la halaagsamayo. Anigan idinla hadlaya waxaan fadhiyey baarlamaankii Soomaaliya oo maalin looga dooday Illaahay jiritaankiisa, taas waligiin ma maqasheen? mase waxaad u qabtaan in ciyaar ciyaar wax isku bedelaan? waxaan kaloo xaadir ahaa iyadoo gabar lagu garaacayo inay Xijaab xirneyd. dhalinyarooy wax badan lama socotaane dadka waaya-araga ah wax ka barta” Sidaas waxaa dhlintii kula haasaaway odaygii Khabiirka ahaa.

Maanta oo la joogo dadku intiisa badan waxa ay ku qansacsan yihiin in dalka lagu maamulo Diinta Islaamka, mana jirto cid ku dhiirran karta in Diinta Islaamka ayan xal aheyn, cid jecel iyo cid aan jecleynba, waxaadna waxa aan sheegayo dhabnimadooda ogaan kartaa haddii aad daawato ama dhageysato marka dadka warbaahinta laga weydiinayo sida ay u ‘arkaan dastuurka, dadka intiisa badan waxa ay ku jawaabaan in Sharciga Illaahay lagu badbaadi karo, makula tahay in dadka waxyi uu ku soo dagay oo sidaas loo sheegay? Sidaas maahee waxaa dhaayaha la saaray mirihii ay Culimadeena beerayeen mudo dheer, haddii fursad la siiyana waxaa hubaal ah in dhawaan la guran doono, balse waan degdegeynaaye waxaan ka baqayaa inaan goosan weyno miraha bislaaday.Culimadeenaay Waad na Caawiseena Camalka sii wada..

Fiiro gaar ah: Heerkii wax walba ay ku habooneyd lama gaarin, waxaana jirta waxyaabo badan oo aan dareemayo inaan laga gun gaarin, qofka akhrin doona qoraalkanna waan hubaa in wax kale ay maankiisa ku jiraan oo uu oran doono culimadu waa ay ka gaabiyeen, laakiin aniga iyo adigaba waa inaan ogaano in Culimadu ay dadaalayaan, haddii xaalku sidaas yahayna dadaalka ay wax ka dhimman yihiin, midda kalena weli waa uu socdaa dadaalkii Culimada, balse waan degdegsaneynaaye ma u yara kaadinaa oo anaguna maku caawinaa Culimada inay howshooda hab-sami u gutaan? Mase waxaan ku fasaxnaa dad caamo ah oo doonaya inay inkiraan dadaalkii Culimada ee aan inta yar ka soo xusay? Haddii aan isla aniga noqdo kan ugu horreeya ee su’aalahaas ka jawaaba: Waxaa ila qumman in aan wanaag ku biirino dadaalka Culimadeena, Illaahayna ugu mahad celino sida ay noo caawiyeen, iyagana aan abaal uga hayno dadaalkooda, waxna ku qaadano wanaaga ay noo sheegayaan.Culimadeenaay Waad na Caawiseena Camalka sii wada..

Intaas ayaan ku soo afmeerayaa qormadii 3-da qeybood aheyd ee aan inta yar uga iftiimiyey waxqabadkii culimadeena, waxaana hubaa in wax badan aan ka tagay aqoon yaraanteyda awgeed, cidii qormadan halkaas ka sii wadeysana aad ayaan u jeclaan lahaa inay ku soo biirto qoraalkaan.

W/Q: Maxamed Nuur Shire

mnuur10@gmail.com

WARKA

MUXAADARO CUSUB | SIDEE NAFTAADA KU DHISI KARTAA | SH MAXAMED CABDI UMAL

May 6, 2017
MUXAADARO CUSUB | SIDEE NAFTAADA KU DHISI KARTAA | SH MAXAMED CABDI UMAL   https://www.youtube.com/watch?v=9_E95MPkdXI

MUXAADARO CUSUB | IN LA QABSADO KITAABKA IYO SUNADA SH CABDIRAXMAAN CADAANI

May 6, 2017
IN LA QABSADO KITAABKA IYO SUNADA SH CABDIRAXMAAN CADAANI   https://www.youtube.com/watch?v=Q20CGiBsrBs

SOO DHAWAYNTA BISHA RAMADAAN | SH MAXAMED CABDI UMAL ( KHUDBA ) 5/5/2017

May 6, 2017
SOO DHAWAYNTA BISHA RAMADAAN | SH MAXAMED CABDI UMAL ( KHUDBA ) 5/5/2017   https://youtu.be/EQtTZFYH7HE

MUXAADARO CUSUB | MIRAHA IIMAANKA | SH CABDULKHADIR BOOBE

April 29, 2017
MUXAADARO CUSUB | MIRAHA IIMAANKA | SH CABDULKHADIR BOOBE   https://youtu.be/SFec6lM4_wM

Muxaadaro Cusub | TOOSNAANTA الإستقامة | IMAM MOHAMUD MARKONI

April 29, 2017
Muxaadaro Cusub | TOOSNAANTA الإستقامة | IMAM MOHAMUD MARKONI   https://youtu.be/ZR6yOjZajlA