Baroorta Dhibbanaha Goormaa La Maqli Doonaa? W/Q: Cabdullaahi Janno

Published on July 26, 2015 by   ·   No Comments

maqaal1Waxaa jiro shan marxaladood oo cilmi-nafsi ahaan la yiri waxay wax u dhimaan caafimaadka dhimirka ama maskaxda. Waxay kala yihiin: geeri, furriin, faqri, guuritaan, iyo maan-dooriyaha. Mid ka mid ah shantan marxaladood ayaa keligiisa qofka ka lumin karo dheelli-tirka noloshiisa. Waxaana xaqiiqo ah in in badan oo shacabka Soomaaliyeed ay isku biirsadeen marxaladahaan dhimirka waxyeelleeyo.

Sida ay faafisay warbaahinta Universal TV, Maxamed Jeylaani waa wiil 10 jir ah. Gaari ayaa lugta ka maray. Saddex sano daryeel caafimaad iyo mid ruuxba ma uusan helin. Wuxuuna taagnaa quus. Maxamed Yare oo ilmeynayo ayaa ku baroortay inuusan saddex sano farxad ku ciidin xanuunka lugta awgeed. Waa fadli Eebbe waxaa aakhirkii wiilkii u gurmaday shacab ay u badnaayeen qurbo-joogta.

Xasuuso, dhibbanayaasha Soomaaliya ku dacdarreysan kuma koobna Maxamed Yare keliya. Waxaa had iyo goor la soo dhejiyaa muuqaallo muujinayo caruur iyo waayeel xanuunsan. Si xun u dhibban weliba. Intaas waa dhibbanayaasha inoo muuqdo, oo ay kaamiradu inoo soo tebiso. Shaki iigama jiro inay jiraan kumanaan kale oo dhibta la aamusan—rajo-beelna qarka u saaran.

Igu celi shanta marxaladood ee cilmi-nafsi ahaan la yiri waxay dhaawacaan caafimaadka maskaxda. Hal qoys oo Soomaaliyeed ayaa laga wada heli karaa shantaas marxaladoodba. Tusaase, waxaad arkaysaa caruur agoon ah (geeri gashay), hooyadoodna aysan heysan dhaqaale ku filan (faqri), misana ay hooyadii iyo caruurtiiba qaxeen ama barakaceen (guuritaan), oo misana laga yaabee in wiilkeedii hana-qaaday ee u shaqeyn lahaa uu isaguna khaatka cuno (maan-dooriye). Inay hooyadan quusato—isla hadasho, oo ay waalato—ma noqoneyso wax lala yaabo. Wax lala yaabase waxaa ah, yaa u maqan dhibbanayaashan masaakiinta ah? Ma waxaa xal u ah hey’adaha gargaarka? UN-ta? NGO-yada? Iyo doodaha siyaasadeed ee madhaleyska ah?

Maadaama aynu nahay Muslimiin, bal aynu dib u jalleecno sooyaalka Islaamka—kana soo qaadanno tusaalayaal kooban oo la xiriiro u gurmadka dhibbanayaasha.

Waxaa caan ah qisadii Amiirkii Mu’miniinta Cumar bin Khadaab (R.C.). Isagoo habeen kormeerayo duleedka Madiina waa tuu maqlay caruur ooyneysay oo gaajo la seexan la’ – iyo hooyadood oo aan heysan cunno ay quudiso caruurteeda. Markuu arrinkii ogaaday waa tuu Amiirkii u soo gurmaday qoyskii dhibbanaa isagoo dhabarka ku sido bur, subag, timir, dhar, iyo lacag. Markuu hubsaday in caruurtii iyo hooyadood ay dhereg la qoslayaanna waa tuu ka hoyday.

Waxaa iyana sugan in Khaliif Abuu Bakar (R.C.) uu xilliga mugdiga ah dhuuman jiray isagoo aadi jiray haweeney waayeel oo indhoole aheyd. Gurigeeda inta uga dhex adeego ayuu ka soo noqon jiray markii uu maalinkaas haqab-tiro baahideeda. Cumar (R.C.) oo hab-dhaqankaan wanaagsan cabsi ka muujinayo ayaa yiri hadal nuxurkiisu ahaa: “Abuu Bakarow waad [xujeysay] madaxda kaa danbeyso ee adiga ka dib imaan doonto.” Wuxuu ula jeeday cabsi ama dareen uu ka qabay in madaxda Muslimiintu aysan danyarta umadda u daryeeli doonin sidii uu Abuu Bakar u daryeelayay shacabkiisa.

Su’aashu waxay tahay, yay labadan Asxaabi ee qiimaha leh ku dayanayeen? Way iska caddahay—waa Xabiibkii Ilaah, sallallaahu calayhi wasallam. Bal hal tusaale aan ku soo gunaanudno kaasoo muujinayo fiidhoonaanta iyo xil-kasnimada Nebi Muxammad, sallallaahu calayhi wasallam. Hal tusaale oo dersi inoogu filan.

Markii ay Umm Xabiibah iyo ninkeedii Cubeydillaahi Binu Jaxshi u hijroodeen Itoobiya, waxay isku dhaleen gabar. Nasiib-darrose waa tuu gaaloobay ninkeedii. Waxaa xigay furriin uu isagu yiri ama gaalow ama waan ku furi. Ka dibna ninkii waa tuu geeriyooday. Umm Xabiibah xaalad qallafsan oo murugeysan ayay gashay. Waa maree way soo hijrootay, oo dhul iyo dhaqan ku cusub timid (guuritaan).
Waa mar kalee dhaqaalo ku filan maysan heysan (faqri). Misana furriin ayaa ugu darsamay. Gabartii ay Umm Xabiibah dhashay haddii ay biil iyo nafaqo ku heli laheydna geeri ayaa ku timid aabbihii gabarta dhalay. Si kale u rog, shantii qodob ee cilmi-nafsi ahaan la yiri waxay wax u dhimaan caafimaadka maskaxda ayay Umm Xabiibah afar ka mid ah wada Laakiin murugada keli kuma aysan aheyn Asxaabiyaddaas. Boqollaal kiilomitir meel u jirto Itoobiya waxaa sidoo kale dhibtii Umm Xabiibah ka murugoonayay Nebi Muxammad (S.C.W.) oo warkeeda loo sheegay. Saa Umm Xabiibah oo xaalkeedu sidaa u qallafsan yahay oo welwel iyo walbahaar la cidlootay ayaa waxaa u soo gurmaday Nebiga—wuuna guursaday. Farxaddii ay faraxdayna wixii ay sameysay sooyaalka ayaa xusay.

Gabogabadii, dhibbanayaasha Soomaaliyeed xisaab laguma soo koobi karo. Rubuc qarni iyo ka badan ayay dhibtu sidii roobka ugu hooraysaa. Gudaha iyo dibedda dalka ayay ku tabaaleysan yihiin. Haqab-tirka baahidooda ayaana runtii aheyd in la siiyo mudnaan gaar ah. Wuxuu sooyaalka hoggaankii Islaamka la ciirayaa tusaalayaal lagu dayan karo oo uu hormuud ka yahay Nebi Muxammad—sallallaahu calayhi wasallam. Ama ahow madax maamul-goboleed ama ahow mid qaran, xasuuso waxaa ku eeganayo kumanaan danyar ah oo ay ilmadu ka daadaneyso. Waxaa isku biirsaday colaad iyo gaajo iyo cudur iyo qax iyo barakac iyo aafooyin kaleba. Runtii baroorta dhibbanuhu waxay mudan tahay dhego maqlo, qalbi dareemo, maskax u fekerto, iyo addimo u adeego—heer maamul-goboleed iyo heer qaranba.

Wabillaahi towfiiq,

Cabdullaahi Janno

Email: claahijanno@gmail.com
facebook.com/Cabdullaahijanno

WARKA

madoonaysaa-in-cumrigaaga-kuu-ba

Sida aad ku noqon karto hoggaamiye diineed. Sh. Umal. [Daawo]

February 18, 2017
Khudbadii jimcaha ee masaajidka abuu bakar sidiiq ee magaalada Nairobi ayaa Sh. Maxamed Cabdi Umal waxa uu uga ...
download

Sh. Axmed Cabdisamad oo ka hadlay qaabkii Nabigu ula dhaqmi jirey qabiillada. [Daawo}

February 16, 2017
Sh. Axmed Cabdisamad oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa muxaadaro laba qeybood ka kooban uga hadlay qaabkii ...
13731601_10209073039915712_8239530953962025424_n-300x2031-300x203-300x2031-300x2031-300x2031-300x203-300x2031-300x2031-300x2031-300x203

Barnaamijkii: Weydiiya culimada waxa aydaan garaneyn. qeybtii 35-aad. Sh. Umal [Daawo]

February 11, 2017
Sh. Maxamed Cabdi Umal ayaa toddobaadkii 35aad waxa uu masaajidka abuu bakar sidiiq ee xaafadda Islii, Nairobi ka ...
madoonaysaa-in-cumrigaaga-kuu-ba

Dhibaatooyinka ummadda haysta iyo sida looga bixi karo. Sh. Umal [Daawo]

February 11, 2017
Khudbadii jimcaha ee masaajidka abuu bakar ee magaalada Nairobi ayaa Sh. Maxamed Cabdi Umal waxa uu uga hadlay ...
hqdefault

Khatarta ay leedahay in lagu xadgudbo bidceysiinta. Dr. Faysal. [Daawo]

February 9, 2017
Dr. Faysal Maxamed Cali ayaa masaajidka abuu bakar sidiiq ee magaalada Nairobi, waxa uu ku qabtay muxaadaro qeyb ...