Sh. Maxamuud Sh. Maxamed Shibli oo ka jawaabaya su’aalo cusub oo la weydiiyey [Daawo]

Published on July 3, 2015 by   ·   No Comments

shible-300x225-300x225Sh. Maxamuud Sh. Maxamed Shibli oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee sida aadka ah loo yaqaano ayaa dadweynaha magaalada Nairobi uga jawaabay su’aallo diini ah.

Sheekh Maxamuud Shibli oo mar walba u taagan u faa’iideynta dadkiisa ayaa intii bishan Ramadaan lagu guda jiray waxa uu masaajidda magaalada Nairobi ka jeedinayey duruus iyo fataawi si cilmi ah uu u kala dhig-dhigayey.

Masaajidka Hidaaya ee uu sida gaarka ah duruusta uga akhiriyo sheekha ayuu su’aalahan cusub ee la weydiiyey uga jawaabay dadkii weydiimaha lahaa, iyadoo ay aad uga faa’iideysteen dadkii dhageysanayey.

Sh. Shibli ayaan duruusta ku ekeynin masaajidda oo kaliya ee sidoo kale waxa uu ka wadaa qalabka warbaahinta, waxaana uu subax walba barnaamij fataawi ah ka galaa idaacadda star fm xarunteeda magaalada Nairobi, iyadoo idaacaddaas laga dhageysto meelo badan oo Kenya ka mid ah iyo qaar ka mid ah gobollada Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo fataawida cusub ee Sh. Shibli.

Ixsaanmedia.com

 

WARKA

Barnaamijkii: Weydiiya culimada waxa aydaan garaneyn. Qeybtii 38-aad. Sh. Umal [Daawo]

March 20, 2017
Sh. Maxamed Cabdi Umal ayaa toddobaadkii 38aad waxa uu masaajidka abuu bakar sidiiq ee xaafadda Islii, Nairobi ka ...

Dowro ku saabsan Guryaha wanaagsan (daawo)

March 20, 2017
Waa dowro ay idin soo diyaarisay Mu,asasada Al-ixsaan kuna saabsan hagaajinta gurisa wanaagsan, waxaana dowradana ka qayb galay ...

Culimada Soomaaliyeed ee dalka Kenya oo baaq ka diray abaaraha ka jira dhulka Soomaalidu degto.

March 7, 2017
Culimada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ayaa baaq ka diray abaaraha ka jira dhulka Soomaalidu degto. Culimada Soomaaliyeed ee dalka ...

Barnaamijkii: Weydiiya culimada waxa aydaan garaneyn. qeybtii 37-aad. Sh. Umal [Daawo]

March 4, 2017
Sh. Maxamed Cabdi Umal ayaa toddobaadkii 37aad waxa uu masaajidka abuu bakar sidiiq ee xaafadda Islii, Nairobi ka ...

Khatarta ay leedahay been abuuradka. Sh. Umal. [Daawo]

March 4, 2017
Khudbadii jimcaha ee masaajidka abuu bakar sidiiq ee magaalada Nairobi ayaa Sh. Maxamed Cabdi Umal waxa uu uga ...